modern nation-state maandeeq union NU2011 EX-SOMALIE

modern nation-state maandeeq union NU2011 EX-SOMALIE
SAB END SAMAALE

A long way to go for peace

A long way to go for peace
somalia

HIDO IYO DHAQAN

HIDO IYO DHAQAN

Pageviews vorige maand

maandeeq leiden

vrijdag 14 oktober 2011

kulan aqoon iswaydaarsi ah oo lagu qabtay magaalada Emelo Gobolka Gelderland


Magaalada Ermelo oo ka Tirsan gobolka Gelderland ee wadanka Holland waxaa maanta lagoe qabtay Kulan aqoon isweydaarsi ahaa oo ay ka soo qeybgaleen ku dhowaad 80 arday oo u dhashay wadamo kala duwan, kana kala yimid qaar ka mid ah iskuulada & Jaamacadaha wadanka Holland, waxaana kulanka oo ay soo agaasintay "Jongerencentrum Plaza" oo ka dhisan Ermelo, sidoo boerenkool dadka lagoe casuumay ka mid ahaa ururo ay leeyihiin Jaaliyadaha Soomaalida, Ciraaqiyiinta & Iiraaniyiinta oo dhinacoodana wax laga weydiinayey, qudhoodana fursad loo siiyey in ay ardaydaasi was weydiiyaan.

Kulankan waxaa loogu talogalay in dadka ka qeybgalaya & ardaydu isku weydaarsadaan aaraa 'ku saabsan kala duwanaanshaha dhaqanka, diinta, mabaa'diida cilmiga ku dhisan & saameynta ay dareemayaan dadka ajnabiga ah Marka ay ka soo haajiraan dalkooda, oo ay yimaadaan Wadan ku cusub, waxaana ardaydu ay su'aalo dhowr ah weydiinayeen xubnihii ka socday ururada, waxaana dhinaca Soomaalida kulankaasi dadkii ka hadlay ka mid ahaa Max'ed Xassan Idiris (Max'ed Ganey) oo ah aqoonyahan ka socday ururka SARAPO & Cusmaan Max'ed Abuukar oo ka socday TV-ga Somali4all, waxaana labadooda ay ay ka warbixiyeen aragtida Soomaali Badan ka qabaan nolosha wadankan & sida ay u wajahayaan xaaladdaha cULus ee kala duwanaanshaha diinta, dhaqanka, cimilada & nolosha.

Su'aalo kala duwan ayeey ardayda & qaar ka mid ah ka qeybgalayaashu ku harqiyeen Soomaalida, waxaana su'aalahaas ka mid ahaa waxyaabihii ugu yaabka badnaa ee ay wadankan kala kulmeen.? Waxa ay ku kala duwan yihiin dalkan martigeliyey & dalkooda.? haddii ay jiraan waxyaabo halkan ay ku arkeen oo ay wadankooda Geyn lahaayeen & su'aalooyin boerenkool oo Fara Badan.

"Waxyaabihii Nagu cusbaa balse Aan Hadda la qabsanay oo MkII Aan wadankan imaanayna Nagu adkaa, waxaa ka mid ah waraaqadaha boostada ku imaanaya ee Aan kala joogsiga laheyn & weliba balanta tirada Badan oo waqtigeeda la ilaalinayo" ayuu yiri Max'ed Xassan, wuxuuna faahfaahin dheer ka bixiyey SIDA uu dareemayey MkII uu dalkiisa ku noolaa & xilligan SIDA uu dareemayo, isagoo tilmaamay in Soomaaliya oo nabad ah aaney jirin Meel dunidda ka mid ah oo uu ku doorsanayo, wuxuuna sharaxay Soomaalidu in ay tahay vader isku dhaqan, diin & luqad ah.

"Waxyaabaha Aan wadankeyga u safrin lahaa waxey tahay haddii Aan heli karo shirkadaha sameeya wadooyinka, waayo Aad ayaa loogu baahi qabaa wadankeena, waddooyinkeena oo DHAN waa burbursan yihiin waxaan codsan laheyn in xaaladda wadanku Marka ay degto in Nederland ay ka saacido Soomaalida dhinaca dhismaha, tan boerenkool ee muhiimka ah waxey tahay waxaan jeclaan lahaa in dadkeygu bartaan is Mariska & kaaska, waayo waa Cuno waxtar u leh bini'aadamka "ayuu yiri Max'ed.

Cusmaan Max'ed Abuukar oo ka jawaabayey su'aalihii ugu badnaa ee ku saabsanaa Soomaalida, wuxuu sawir guud ka bixiyey in dhibaatada Soomaaliya aaney aheyn sida ay saxaafadda u buunbuunineyso oo Soomaaliya waxa ka Jira ay ay tahay horumar bulshadu sameysay & dagaalo Aan dhamaaneyn, wuxuuna warbixintiisa ku xusay Safar uu goor dhow kaga soo laabtay Soomaaliya, isagoo tilmaamay in gobolo Badan oo uu tegay ammaanka ka Jira aanu ka jirin wadamo Yurub ah, oo meelaha ay ay dagaaladu ka socdaan tahay caasimadda & deegaano ku dhowdhow.

"Soomaalida waa papa u baahan in iyaga un la isku daayo, haddii faragelinta laga joojin lahaa waxaa xaqiiqo ah in XAL degdeg ah uu iman lahaa" ayuu yiri Cusmaan, wuxuuna xusay maart walba oo arrimaha Soomaalida laga hadlayo la soo qaato dhinaca "Negatieve- KA ".

"TV-yada caalamka waxaa laga daawadaa dhinaca Xun ee Soomaaliya SIDA Burcad badeeda, laakiin runta kama sheegeen Halka ay ka timide mushkilada Soomaaliya ragaadisay & xalkeeda" ayuu yiri Cusmaan.

"Qofka Nederlands-ka ah ee wadankan u dhashay haddaad kulantaan hadalkiisa ugu horreeya wuxuu ku billaabayaa cabashada dhinaca cimilada, balse Marka ay qoraxdu kulushahay halkan waxey kaga dhigan tahay oorlog cusub oo farxad leh, balse annaga wadankeenu mar walba waa cimilo Aan kuleyl aad Ahna aheyn qabowna Aan aheyn oo Meel dhexaad ah "ayuu yiri isagoo sidoo kalena xusay in Badda Soomaaliya ay ka duwantahay tan wadankan oo ay tahay (Blue occean).

Cusmaan wuxuu garowshiiyo ka bixiyey in Soomaalida Marka la weydiiyo su'aalaha qaar, SIDA su'aasha ku saabsan, waxa ay ku dirirayaan iyaga oo isku diin, dhaqan & luqad ah in ay ku adkaaneyso inuu jawaab ka bixiyo, wuxuuna sheegay in qof kasta oo Soomaaliya dambi ka gala in maxkamad la hor keeno doono waqtigeey noqoto.

Geen opmerkingen: