modern nation-state maandeeq union NU2011 EX-SOMALIE

modern nation-state maandeeq union NU2011 EX-SOMALIE
SAB END SAMAALE

A long way to go for peace

A long way to go for peace
somalia

HIDO IYO DHAQAN

HIDO IYO DHAQAN

Pageviews vorige maand

maandeeq leiden

maandag 21 november 2011


Siilaanyo waxa uu u dhigmaa Hans ( Hollandiis) : George Washington ( USA ), Sir Wisiton Churchull ( UK ). Helmut Kohl ( Germany ). De Gualle ( France) iyo Uyl-ka ( Holland ), Mandella (SA), Gaandhi ( India), Laakiin dadkiisu may garan weli taas! By: Cali Cumar Xasan. Subject: Hans ( Hollandiis) : Siilaanyo waxa uu u dhigmaa, George Washington ( usa ), churchull ( uk ). Helmut Kohl ( germany ).,De Gualle ( france) iyo Uyl-ka ( Holland ), Mandella (K A), Gaandhi ( India), Laakiin dadkiisu may garan weli taas !. '' Dood xalad iyo xiiso-ba leh ''. - Hans, oo ah nin u dhashay dalka Holland lana shaqayn jiray sida uu igu yidhi, hay' adaha qaxootiga ee UNHCR, iyo kuwa dalkan Holland gudihiisaba ah mudo aad u badan, oonu ku kulanay shaqo '' masshruuc '' uu leeyahay xafiis caawiya dadka qaxootiga ah ee ku cusub dalkan Holland, ayaa si lama-filaan ah xili aanu ka nasanaynay hawl-maalmeedkii aanu haynay sheeko noo bilaabantay, is bariidin iyo kaftan yar ka dibna waxa uu ila soo tiigsaday Su ' aal ahayd, ma Somaliland baad ka timid mise Somaliya, ana si kaftan ah ayaan ku idhi maya ee waxan ka imid Surinaam (dal hollandiisku gumaysan jiray oo ku yaal Latin amerika), qosol dabdeed waxa uu ii raaciyay, dhogortii iyo dhigaalkii ( midabkii iyo qaab-dhismeedkii ) Surinaam-ta ma lihid, oo iska daa wax kale ee Ethipaan ma tihid ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaad mid ka timid saw maaha? waxan ku idhi hadii aan jawaabta kuu fududeeyo, Somaliland ayaan ka imid, sidedse ku garanaysaa kala duwanaanshaha ilaa heerkaasa adigu ma si gaar ah ayaad u baratay kala sooca dadka, waxan u sii raaciyay weliba anoo hoos u gujinaya, ma foormuladii '' Appartheid system '' -ka ahayd ee Dutch-ku caanka ku ahaa ayaad adeegsgeeda xaraash ( xeel dheere) ku tahay? - Halkaasaa ay sheeko dheer oo is-barasho iyo dood kulul oo qadhaadh oo socotay dhawr cisho oonu wada shaqaynaynay ka bilaabantay, waxa aanu kolba dhan ka cosobsano geeska Afrika iyo waayaha siyaasadeed een is-tarka muuqda lahaynba, waxa ay arintii ku soo aroortay halkii aan ka imid iyo gayigii barakaysnaa ee Somaliland, oo shaw uu ninkani ( Hans ) aad isna ula socdo taariikhda iyo is bedelada ka jira labadaba aadna u xiiseeyo weliba, waxa uu ii sheegay inay dad badanoo reer Somaliland ah kulmeen, oo qaarkood wada shaqeeyeen Somaliland intay jirtay iyo intii ka horaysayba ( xiligii Soomaaliya ).Mar aanu soo hadal qaadnay waxii ka dhacay Soomaaliya dalkii la odhan jiray berigii hore iyo waxa hadadan ka socda, oon dabadeedna anigu ku soo daray sheekada waxa ku sanduleeyay dadka reer Somaliland inay dib ula soo noqdaan qaranimadoodii, waxa isaga oo si ay qiiro ka muuqato aan ahayn ta Ilmadi Yaxaaska, ee dhab ah, uu dareenkiisa oo bedelan igu yidhi waan ka xumahay waxii la gaadhsiiyay dadkaa, Somaliland godob badan ayaa laga galay oo Soomaalida iyo caalamkuba ka galeen, dadkeeda waa la xasuuqay oo dad aad u badan ayaa taliskii Siyaad bare ka dilay, iyadoo sharci ahaan xaq u leh ayaa hadana aan weli caalamku aqoonsan, waana arin aan gar loogu lahayn Somaliland ayuu yidhi. Waxa uu yidhi kala danbayn iyo nabad ayaa ka jirta Somaliland, hase yeeshee buu yidhi sidaasoo ay tahay saluug weyn ayaa jira oo dhanka Siyaasada ah, waxana aan aaminsanahay ayuu yidhi, inaanay waayin reer Somaliland dad aqoon, karti , dal jacayl, daacadnimo iyo waayo-aragnimoba leh oo dalka wax wayn u qaban lahaa, dadkase dalkaa lehi waxad moodaa inay is hagranayaan, oo dalkoodana ay la hadayaan. - Halkaa markuu marayo ayaan ku idhi Hans-oow, reer Somaliland waxay ku maahmaahaan '' nin-na biyo uu hayo korkiisa kama hagrado '' ee malaha waa naga bas oo intaasaanu dhaafin kari laanahay, markaasuu Hans igu yidhi ha odhan sidaa, reer Somaliland rag baa ku jira heer Caalami ah, oo xataa ka culus heer qaaradeed, anoo dhegta yara taagaya oo is-leh toloow maxuu soo wataa ayuun buu igu yidhi Hans, hadadanba madax fiican waad leedihiin oo Daahir Riyaale-ba waa ok-eeye, ee dalku waxu u baahan yahay rag uu ka mid yahay nin aad qaali u ah, oo aqoon balaadhan oo dhan kastaba ah leh, oo magaciisa la yidhaa mudane Axmed ee maanad aqoon? Axmed-yadu waa badan yihiin ee, Axmed ayo ayaan waydiiyay ? markaasuu Hans igu yidhi hogaamiyaha Kulmiye, aad iyo aad baan jawaabta ninkan Hollandiiska ahi i siiyay ula yaabay !!! waxan ku celiyo waan garan waayay waayo? inuu sidaa dadka u kala yaqaan maan filayn, ana. markaasaan kula kaftamay, waar malaha Kulmiyaad u ololaysaa ood taageertaa nin aan Somalilander ahayna waabad u muuq eg tahay-e?. Waxu isna isaga oo ka jawaabaya Somalilader ma tihidii yidhi, adba dhalasho Nederland-ah waad qaadatay/ qaadan kartaa, xisbigaad doontana halkan ( Holland ) waad taageeri kaartaaye, maxaad aniga iigu diidi hadaan Kulmiye Taageero?, waxa uu intaa ku sii daray oo uu yidhi, Siilaanyo waxa uu ka mid yahay tiirasha ugu waawayn ee dalkan salka u dhigay hayana, dalkuna uu nin tayadiisa oo kale leh aad iyo aad hada ugu baahan yahay. Waxan ku idhi ninkoow ( Hans ) mar hadaan soo hadal qaadnay Xisbiyo la taageero, anigu kuwa halkan '' Holland '' waxan taageeraa xisbiga shaqaalaha ( PVDA), oo ah ka u daneeya inta badan danyartam oon ka dhex arkayo inuu saamayn ku yeelanayo nolol-maalmeedkayga, hase-yeeshee Xisbiyada Somaliland waa iskugu kay mid horta, oo midna aniga si toos ah hada ahaan iima khuseeyo, waxanse jeclahay in dalkayga Somaliland helo, dad wax u qaabta, intaanan dhamayn buu yidhi ninkii Hans, waad hagaagsan tahay ee hadaba KULMIYE taageer, waa rajada kali ah ee dalkaase, waxa uu ku sii daray intaa, in yaroo kaftan ah oo uu leeyahay mise sidaa hada dalku uu yahay ayaad rabtaa inaad ku daawato, waar ka kac meesha magaca jirye ayuu yidhi. Isku soo duuboo, gunaanadkii doodadayadii dheereed ee mudada socotay, waxa uu ninkaa Hollan u dhashay ku soo gunaanaday reer Somaliland ha gartaan, George washigtin-kooda, Churchil-kooda, Mandela-hooda, Gaandhi-gooda ......... Isaga oo ujeeda mudane Siilaanyo !!! , haday doonayaan inay hore-u-maraan, dal kastaaba waxa uu kobcaa inta aqoonta dadkiisu kobocsan tahay ayuu yidhi, waxan ana ku raacay eraygaa khatinka ah, ee ah, wax-aqoon baa dal daajisa ! Somaliland ha jirto oo ha Joogto. - Cali Cumar Xasan. - afraad_4@hotmail.com

Afbeeldingen in dit bericht

Geen opmerkingen: