modern nation-state maandeeq union NU2011 EX-SOMALIE

modern nation-state maandeeq union NU2011 EX-SOMALIE
SAB END SAMAALE

A long way to go for peace

A long way to go for peace
somalia

HIDO IYO DHAQAN

HIDO IYO DHAQAN

Pageviews vorige maand

maandeeq leiden

vrijdag 28 oktober 2011

WARKANI MA DHAB BAA MISE WAA DHALANTEET


Kenya oo sheegtay in ay Diyaar utahay wadahadlo ay la gasho Al-Shabaab (Top News)
Published on October 28, 2011 by admin · 4 Comments Number of View: 268


28.October.2011:-Dowlada Dalka Kenya ayaa haatan diyaar u ah in ay wadahadal nabadeed la gasho Xarakada Al-Shabaab kadib Markii la sheegay in labada dhinac uu xariir dhexmaray.

Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada Dowlada Dalka Kenya Richard Onyonka ayaa sheegay Khamiistii in Dowlada Dalkiisa ay diyaar utahay in ay lahadasho Al-Shabaab.

“Hadii ay Al-Shabaab doonayaan in ay lahadlaan Dowlada Kenya, Albaabada ayaan ufuraynaa,” ayuu yiri Mr Onyonka.

Isagoo kahadlayay Shir uu ku qabtay Xarunta Barlamaanka Magaalada Nairobi ayaa Wasiir kuxigeenka Arimaha dibada Kenya Mr Onyonka uu sheegay in Kenya ay iska hilmaami doonto Dagaalada ay kula jiro Al-Shabaab hadii ay iyagana joojinayaan amaan xumada ay ku hayaan Kenya iyo falalka afduubka ah.

“Hadii aysan ka laaban qalalaasaha, Dowlada Kenya mala hadli doonto iyaga (Al-Shabaab),” ayuu hadalkiisa ku daray Sarkaalkan oo dhanka kale sheegay in wadahadaladan ay dhinac ka yihiin heshiiyadii DJabuuti ee 2010-kii iyo kii Kampala Accord.

Mr Onyonka ayaa hoosta ka taabtay in ay Dowlada Dalkiisa ay Al-Shabaab lahadli doonto oo kaliya hadii ay joojiyaan amaan xumada saamaysay dhaqaalaha kenya ee ay kasoo qaadayan gudaha Dalka Soomaaliya.



Masuulkan ayaa oo ka gaabsaday in uu xaqiiyo ama uu beeniyo War uu baahiyay Tv-ga CNN ee ahaa in Al-SHabaab ay wadahadal ka dalbadeen Kenya ayaa hadana sheegay in arintaas ay sax noqon karto maadaama sida uu sheegay ay Saraakiisha Al-Shabaab doonayaan in ay kusii sugnaadaan Dalka Kenya.

“waan ognahay in ay jiraan qaar kamid ah Al-Shabaab in ay halkaan joogaan (Nairobi) waxaana ay doonayaan in ay Dowlada u ogolaato in ay halkaas kusii nagaadaan ,” ayuu hadalkiisa ku daray Mr Onyonka.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa Wasiir ku xiegeenka Amniga Kenya waxaa uu aqalka Barlamaanka ka sheegay in Saraakiil Soomaali Al-Shabaab ay ay ku sugan yihiin Kenya isagoo yiri “Maska Madaxiisa waxaa uu yaalaa Islii lugahiisana Soomaaliya.

Si kastaba A-Shabaab ayaa sheegay in ay iska difaaci doonto weerar kasgta oo kaga yimaada Al-Shabaab halka Kenyana ay sheegtay in ay sii socon doonaan Howlgalada ay Koofurta Soomaalia ka wado.

Warqaad.com
Xulka Wararka oo dhan
Email:-Warqaad@hotmail.co.uk

Geen opmerkingen: